Dayuuraddii Imaaraadka oo Tel Aviv ka degtey & dalalka ay dul martay & kuwa hawadooda u diidey! (Arag caddaynta)

0
In this Tuesday, May 19, 2020 photo released by the state-run WAM news agency, an Etihad Airways flights loaded with aid for the Palestinians to fight the coronavirus pandemic is loaded in Abu Dhabi, United Arab Emirates. Etihad Airways flew aid for the Palestinians amid the coronavirus pandemic from the capital of the United Arab Emirates into Israel on Tuesday, marking the first known direct commercial flight between the two nations. (WAM via AP)

(Abuu Dabeey) 19 Maajo 2020 – Dayuuradda Etihad Airways ayaa caawa markii ugu horreeysey taariikhda ka degtey dalka Israel, tan iyo markii la aasaasay sanaddii 1947-kii.

Dayuuraddan ayaa fiidkii kasoo duushay Garoonka magaalada caasimadda ah ee Abuu Dabeey ee Abu Dhabi International Airport, iyadoo ahayd nooca xamuulka qaada, waxayna gegada Ben-Gurion Airport ee Tel Aviv soo caga dhigatey markii ay taariikhdu ahayd 9 PM.

Sida uu muujinayo dhabbaha ay dayuuraddani martay waxaa hawadooda u diidey dalal fara badan oo Muslim ah, halka ay qaar kale u ogolaadeen sida Ciraaq iyo Turkey.

Dalalka uga dhowaa inay dul marto balse u diidey waxaa ka mid ah Sucuudiga, Lubnaan iyo Suuriya. Dalka Urdun oo xiriir rasmi ah la leh Israel ayaysan laftiisa dul haadin, waxaase taa loo qaadan karaa sabab juqraafi maadaama ay tahay inay horta Sucuudiga oo ka sokeeya marto inta aanay u gudbin Urdun.

Duullimaadkan oo ah midkii ugu horreeyey ee toos ah ee abid isku xita Imaaraadka iyo Israel ayaa Abuu Dabeey ka duulaya saacadda maxalliga ihi marka ay tahay 7 P.M, waxaa la sheegay inay agab caafimaad oo lagula tacaalayo Covid-19 u siddo Falastiiniyiinta ku dhaqan Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza.

Warqaadka Haaretz ayaa sheegaya in tiiyoo aanay labadan dal xiriir rasmi ah oo diblomaasi ah lahayn, ay misna wadaagaan xiriirro badan oo daaha gadaashiisa ah, iyadoo ay sidoo kale madax labada dhinac ihi booqasho ku kala bixiyaan labada dal.

Tusaale, Israel waxay wakiillo rasmi ah ku leedahay Ururka QM ee Abuu Dabeey, halka lagu marti qaaday Carwada caalamiga ah ee Dubai Expo ee sanadkan.

Hadalsame Media