”Caddayn lalama tegi doono!” – DF oo ka fal-celisey dib u dhigista dacwadda badda (Arrin aan horay loo ogayn oo ay kashiftay)

0

(Muqdisho) 19 Maajo 2020 – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa caawa ka hadlay go’aan maanta kasoo baxay maxkamadda caddaaladda caalamiga ah (ICJ) oo lagu caddeeyay in dib loo mudeeyay xilliga garmaqalka Dacwadda Badda ee Maxkamadda hor taalla waqtiga dheer.

Maxkamadda caddaaladda caalamiga ah (ICJ) ayaa maanta caddeysay in ilaa 15-ka bisha Maarso 2021-ka dib loo dhigay waqtiga garmaqalka dacwadda Badda Soomaaliyeed ee Kenya muranka gelisay, iyada maxkamaddu ku sababeysay xaaladda uu sababay xanuunka Feyruska Karoona.

Maxkmadda ICJ waxay 15-ka iyo 18-ka Maarso 2021 dhageysaneysaa dooda dowladda Soomaaliya, iyada oo sidoo kale 17-ka iyo 19-ka Maarso 2021 dhageysaneysa doodda Kenya ee doonista badda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xu-xigeenka ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya mar waliba ay dooneysay in dacwadda la dhageysto xilligii loo qorsheeyay ee aheyd horraanta bisha soo socota, hase yeeshee dowladdu ay ku qasbantahay inay u hoggaansanto amarka dib-u-dhigista ee kasoo baxay maxkamadda.

RX Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale kashifay in maxkamaddu ay go’aamisay sidoo kale in dhageysiga dacwaddu uu noqon doono mid afka ku saleysan oo aysan jiri doonin caddeymo qoraal ah oo maxkamadda lala tegi doono maadaama labada dowladood ay horay u geeyeen caddeymaha ay dacwaddooda saldhigga uga dhigayeen.

Hadalsame Media