Bog uu samaystay MX Puntland oo wacdaro ka dhigaya baraha bulshada (Sida uu ku yimid)

0

(Garoowe) 19 Maajo 2020 – Waxaa baraha bulshada, gaar ahaan Facebook wacdaro ka dhigaya bog uu samaystay Xafiiska Madaxwayne Xigeenka Puntland, Md Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Sida uu boggani ku yimid lafteeda ayaa kaligeed ah qiso aad loo hadal hayo oo ay dad badani ku tilmaameen wax laga fursan karey oo aan loo baahnayn qiyam ahaan, waana arrinta khilaafka soo ban bixisay.

MW Karaash ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Guddoonkii Mudug qaybta Puntland, Axmed Muuse Nuur (AUN), taasoo laga saaray bogga Facebook ee Madaxtooyada Puntland, taasoo loo fahmey amar kasoo baxay MW Deni.

Haddaba, xalay ayaa waxaa bog cusub Facebook ka sameeyey Xafiiska MX Puntland, Md Karaash, kaasoo iminka kusii dhow 20,000, tiiyoo uu jiro wax maalin ka yar.

Waxaa kale oo xusid mudan in bogga Madaxtooyada ee sii jirey, ahna kan laga saaray khabarka Karaash uu iminka marayo wax aan sidaa uga badnayn 40,000 oo riyaaqe ama raace.

Hadalsame Media

 

 

Facebook Comments