”Taas kuma qancin!” – Shiinaha oo maanta koox baaraysa geerida Danjirohoodii Israel diraya & waxyaabaha kale ee ay qabanayaan

0

(Tel Aviv) 18 Maajo 2020 – Shiinaha ayaa koox xaqiiqo raadin ah u diri doonta magaalada Tel Aviv, si ay u baaraan geerida Danjire Du Wei, kaasoo maydkiisa laga helay gurigiisa, sida uu maanta qorayo Haaretz.

Du, 58-jir, ayaa la sheegay inuu hurdada ku dhintay iyadoo loo badinayo inuu wadnaha u dhintay, balse weli ma jirto cid si rasmi ah u baartay sababta geerida soo booddada ah ee Du oo ka tegey xaas iyo wiil.

Ilo hoose ayaa Haaretz u sheegay in kooxda baarista ee Shiinuhu ay maanta kasoo dhaqaaqayaan Shiinaha si ay u baaraan maydka Danjiraha, waxay isu duwayaan howlaha Safaaradda, sidoo kalena ay u agaasimaan sidii maydkiisa loogu duulin lahaa dalkiisa, iyadoo uu la socdo qof ka socda qoyska Danjiraha. Waxay gelayaan 14-maalmood oo karaantiil ah.

Waxaa jirtey inay Safaaradda Shiinaha beryihii dhowaa isku dheganaayeen Maraykanka oo sheegay inuu ka ”walaacsan yahay” maalgashiga Shiinaha ee Israel.

Jimcihii, waxay Safaaradda Shiinaha ee Israel ka jawaabtey dhaleeceeyn kasoo yeertey Wasiir Dibadeedka Maraykanka, Mike Pompeo, oo todobaadkii tegey halkaa booqday, kaasoo Shiinaha ku eedeeyay inay kas u qariyeen xogaha dillaaca coronavirus.

Safaaradda ayaa warkaa ku tilmaantay mid aan ”maangal ahayn”, iyadoo ku doodday in “culimada caafimaadku aanay weli meelaynin halka uu ka yimid COVID-19,” isla markaana Maraykanka xusuusisey inuu isagu iminka yahay xuddunta cudurka.

Intaasi waa qayb ku saabsan howlihii ugu dambeeyey ee uu qabanayey diblomaasigii ugu sarreeyey Shiinaha ee dalka Israel.

Safaaradda ayaa sidoo kale ka jawaabtey digiinta Pompeg ee ku aaddan maalgashiga Shiinuhu ku samaysanayo Israel oo uu Maraykanku gunuunuc badan ka muujiyey isagoo ku tilmaamay mid ”keenaya halis dhanka amaanka ah”.

Danjire Du ayaa Israel tegey bartamihii Febraayo isagoo kaddib galay 14-maalmood oo karaantiil ah, waxaana warqadaha diblomaasiyadeed laga qabtay dhamaadkii Maarso, balse lama kulmin MW Israel Reuven Rivlin, sida uu dhaqanka diblomaasigu ahaa.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media