Reer Galbeedkii oo uu Maraykanku u horreeyo oo durba galay safka GNA (Maraykanka oo Ruushka cambaareeyay & sida ay ciyaarta u bedeshey taageerada Turkigu)

0

(Tripoli) 18 Maajo 2020 – Danjiraha Libya ee Richard Norland ayaa cambaareeyey 2000 oo askari oo calooshood u shaqaystayaal Ruush ah oo lagu magacaabo Wagner Group iyo hub casri ah oo halkaa la geeyey oo uu ku tilmaamay mid xushmad darro ku ah madax bannaanida Libya iyo amaanka gobolka.

Danjire Norland ayaa Sabtigii warqaadka London-saldhigta Al-Quds Al-Arabi u sheegay in Washington ay Ruushku uu danihiisa Libya u maro wadiiqo sharci ah, isagoo sheegay in Maraykanku uu doonayo in la joojiyo weerarka uu wado Khalifa Haftar.

“Haftar waa inuu garowsadaa in saamayntiisii Libya ay sii shiiqayso haddii uu dagaalka sii wadana wuxuu luminayaa dhulka uu haysto.” ayuu yiri Norland oo isaga oo ku dhega hadlaya Imaaraadka iyo Masar oo sidoo kale taageera raaciyey.

”Dalalka Haftar taageeraya waa inay ogaadaan in hadafkii ahaa la dagaallanka argagixisada ay wiiqayso duullaanka uu Haftar ku yahay Tripoli.”

Norland ayaa oo Haftar oo quus gooynaya ayaa sheegay in qarnigan 21-aad aan la aqbali karin in wax ka duwan dimoqraadiyad lagu xukumo dalka Libya.

Dadka arrimahan u dhuun daloola ayaa dareensan in Maraykanku uu raalli ka ahaa weerarka Haftar, isla markaana aanay Masar iyo Imaaraadku taageereen haddii aanu madaxa u gundhin, balse hadda oo uu Haftar sii dabayshanayo uu ka boodayo markabkaa sii degaya.

Dhinaca kale, NATO ayaa sheegtay in aan dagaal xal u noqon doonin aayaha Libya, halka ay Malta ballan qaadday in ay marti geliso wareeg kale oo dib u heshiisiineed. QM ayaa iyaduna soo bandhigtay warbixin qarsoodi ah oo muujinaysa doorka Imaaraadka ee dagaallada Libya.

Wasiir Dibadeedyada Jarmanka, Heiko Maas, Faransiiska, Jean-Yves Le Drian, Talyaaniga, Luigi di Maio, iyo Madaxa Siyaasadda Dibedda Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa iyaguna ku baaqay in deg deg xaaladda loo qaboojiyo iyagoo cambaareeyay madaafiicda uu Haftar la dhacay goobaha rayidka oo ay dad badani ku dhinteen.

Waxaa xusid mudan in Dowladda la aqoonsan yahay ee GNA ay bilo yar kahor agoon ahayd oo ay xitaa QM ka aamusnayd, balse markii uu Turkigu taageero ciidan iyo mid siyaasadeed siiyey oo ay guulo gaareen ay cid kastaahi safkeeda iminka soo geleeyso.

Hadalsame Media