Kenya oo 3 ujeeddo ka leh dib u dhigidda joogtada ah ee dacwadda Maxkamadda ICJ (Maxay ku tashanaysaa?)

0

(Hadalsame) 16 Maajo 2020 – Kenya ayaa markii 2-aad muddo sanad ka yar Maxkamadda ICJ ee gacanta ku haysa galalka dacwadeed ee ay Somalia gaarsiisey 6 sanadood kahor, ka codsatay in markale dib loo riixo.

Maxkamadda ICJ ayaa 5-tii Sebtember ee 2019-kii ogolaatay codsi ka yimid Kenya oo ahaa in dib loo dhigo kiiska, waxaana xilligaas ay ballan-qaaday inaan mar kale kiiska dib loo dhigi doonin.

Yeelkeede, Kenya ayaa ICJ ka codsatay in dacwadda dib loo dhigo ”waqti aan la cayimin”, iyada oo daliishanaysa wax ay ku sheegtay dhaqaale xumo jirta iyo cudurka Covid-19, halka DF Somalia ay ku adkaysanayso in labada dal loo gar noqo waqtigii lagu ballamay oo ah bisha Juun ee foodda innagu soo haysa.

MAXAAN KA QAADAN KARNAA QORSHAHA KENYA?

Kenya oo dheeleysa xeel gadaal u gurasho ah (delay tactic) daalis ah, ayaa ku fikiraysa dhowr arrimood oo ay iska dhaadhicisay inay u shaqayn karaan.

1 – Waxaa ka mid ah inay Somalia ka heli karto madax kiiskeeda garab jilicsan u yeelata, sida kuwo la mid ah kuwii ay markii hore sida murankan dhalisay ula macaamishay ee iska saxiixay wax aanay ka fikirin ama ka fiirsan waloow aynaan oran karin wax bay gadeen ama laaluush bay qaateen, iyadoo iska indha tireeysa inuu kiiskani yahay mid qaran oo aanu siyaasi qur ihi wax ka bedeli karin, isla markaana marar badan khilaafka Somalia kala dhexeeya u sawirta mid dhex yaalla ”iyada iyo madaxda iminka joogta.”

2 – Kenya ayaa sidoo kale ka faa’iidaysanaysa kala qaybsanaanta Soomaalida Somalia, iyo umadda oo aan weli lahayn aragti heer qaran ah oo saldhig adag leh, iyadoo ay sahlan tahay in loo daaro cajalado qabyaaladeed oo loo adeegsanayo sumado ay kala eeganayaan oo ah siyaasiyiin faashiliin ah oo calooshood la ciyaar ah, kuwaasoo fuliya wax u dan ah dalalka shisheeye una daran sokeeyaha Soomaalida.

3 – Qodobkan waa mid aysan dad badani ka fikiraynin balse waa xaqiiqo jirta oo xaalad ku xiran. Kenya waxay, sida dalal kaleba, doonaysaa inay baxnaaniso sida ay noqdaan duruufaha Somalia kaddib xilliga kala guurka ah, tusaale ahaan, kaddib bixitaanka AMISOM oo ay Somalia mareeyso IMTIXAAN QAAN-GAARNIMO oo lagu ogaan doono inaan noqonnay umad doonaysa inay horay u socoto iyo inaan dib ugu noqonno nacasnimadii astaanta noo noqotay wax ka badan 40 sanadood oo lasoo dhaafay, oo ay qarannimo iyo dan guud ka muhiimsanayd ku fariisiga kursi dhiig leh, kohasho maxalli ah iyo karaama darro caalami ah.

Haddii ay tan dambe dhacdo, Kenya waxaa u sahlanaan doonta inaysan kaliya bad yar ku doodine ay xitaa si cad iskugu daydo inay qaadato qayb ka mid ah berriga Somalia, taasoo aan u suurtageli doonin, balse ugu yaraan xaaladda ka dhigaysa mid uu nin ri’ kaa rabey geel kugu waydiisanayo.

Si kastaba, waxaa muhim ah inay Soomaalidu ka qoomwiyad ahaan gaarto bisayl u dhigan in, meel kasta oo aad joogto iyo nidaam kasta oo aad hoos tagtaba, ay muhim tahay in uu jiro dal madax bannaan oo Somalia la yiraahdo, taasoo CAYMIS u noqonaysa Soomaali kasta.

Aragtidaas waxaa khilaafsan siyaasiyiin badan oo han yar oo Soomaali ah oo Kenya ku caawinaya inay gacan bidxayso xoolo Soomaaliyeed.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media