Qorato wayn oo wax kasta cunaysa oo ku dhex baxsatay Maraykanka & baaq dadka loo diray + Sawirro

0

(Atalanta, GA) 15 Maajo 2020 – Saraakiisha gobolka Georgia ayaa ka shaqaynaya sidii ay usoo qaban lahaayeen qorato ka wayn xitaa abeesa cagaleeyda oo halis ku haysa xayawaannada kale iyo degaanka, taasoo ah qoratada Tegus oo asal ahaan Argentine laga keenay.

John Jensen, oo ah biologist ka tirsan Waaxda Khayradka Dabiiciga ah ee Georgia ayaa sheegay, in qoratadan oo uu dhererkeedu gaari karo ilaa 4 cagood ay ”cuni karto wax kasta oo ay aragto.”

“Tegus waxay cuntaa ukumaha shimbiraha oo ay ku jiraan shimbir dhoorreeyda iyo Boolla-Boollada (Turkey) iyo xitaa kuwa ay dhigaan diinka iyo yaxaasyada Maraykanka oo ah gacalooyin la dhowro oo dabar go’i raba,” sida lagu qoray webka waaxda.

Waxay kaloo cuntaa khudaarta, miraha, xayawaannada dab-joogta ah iyo xitaa cayayaanka yar yar, waxaana la sheegayaa inay hadda joogto meelo ka tirsan Degmooyinka Toombs iyo Tattnall.

Waxaa kasii daran inaysan iyadu lahayn cadow badan oo cuni kara, isla markaana ay sanadkiiba dhali karto 35 ukumood, waxaa dadwaynaha laga codsaday inay soo sheegaan haddii ay arkaan.

Hadalsame Media