”Maxay kuwa qabyaaladda ku hadaaqayaa u hayaan dhallinyarada Soomaaliyeed?!” – MW oo taabtay mawaadiic xasaasi ah + Video

0

(Muqdisho) 15 Maajo 2020 – Madaxweynaha Somalia Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dalka u jeediyey khudbad ku saabsan sannad-guurada 77-aad ee aas-aaskii Golihii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL) ee horseeday xornimada dalka ayaa sidoo kale dul istaagay arrimo dhowr ah.

MW Farmaajo ayaa sheegay in ay Xukuumaddiisu dhaxashay nidaam qaamaysan oo waxyaabo badani isku dhex daadsan yihiin dhaqaale ahaanna aad u hooseeya, sida uu yiri.

Wuxuu intaa raaciyey inay isbedello ku sameeyeen ciidamada, hay’aadka dowladda, hannaan maaliyadeed daah furan, soo daynta maxaabiista, soo celinta adeegga dadwaynaha isla markaana ay la dagaallameen musuqa oo caqabad ku wada ahaa horumarka dalka, sida uu yiri.

”Maxay kuwa qabyaaladda ku hadaaqayaa u hayaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhibka ku jirta?” ayuu is waydiiyey MW oo loo malaynayo inuu tixraacaya dhowr siyaasi oo qabyaalad qayaxan ka hadlay.

Wuxuu xaqiijiyey inay diyaar u yihiin agaasinka Doorasho xor ah oo la mid ah midda laga qabto dalalka horumaray.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka ayaa sheegay inay 27-ka bishan Baarlamanka horgayn doonaan xilliga la qabanayo Doorashada soo socota.

Hadalsame Media