”Madaxda dunidu waxay soo gaabiyaan booqashada dibedda, balse kuweennu waxay sameeyeen taas caksigeeda!” – Arag fal-celinta shacabka ee madaxdii shalay dalka ka carartay!

0

(Muqdisho) 15 Maajo 2020 – Waxaa shalay Garoonka Diyaaradaha ee Adan Cadde dad gaarayey 153 qof oo u badan Soomaali ka timid qurbaha ay dayuuradda EA ka ka qaaday magaalada Muqdisho, si ay uga ”baxsadaan” durayga Coronavirus oo uga sii horreeysa dalalka ay u ordeen.

Dadkan ayaa ahaa Soomaali kala heysata dhalashada dalalka Mareykanka, Canada iyo Britain, kuwaasoo Muqdisho ku go’doomay kaddib markii la hakiyey duullimaadyadii caalamiga ahaa.

Duullimaadkan oo ay agaasintey Safaarada Mareykanka ee Muqdisho, balse ay markii dambe ogolaatay inay raacaan Soomaalida Canada iyo UK ayaa 4-tii galabnimo shalay ka duushay Muqdisho, iyadoo la gaynayo Addis Ababa oo ay ka kala raacayaan duullimaadyo tagaya magaalooyinka Washington DC, London iyo Toronto.

Dadkan ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ka buuxaan Wasiirro, Xildhibaanno, Agaasimeyaal iyo Howlwadeenno kale oo ka tirsan DF Somalia.

Arrintan ayaa waxay fal-celin ka keentay Soomaalida, iyada oo ay muuqato inay mas’uuliyad darro muujinayaan madaxda haysata labada dhalasho, sidii dhacday markii ay Kenya diiddey in lagu galo Baasaboorka Somalia oo ay qaar ku gudbeen Baasaboorro shisheeye.

”Waxaa la arki jirey in ay madaxda caalamku safarradooda soo gaabiyaan si ay dalkooda oo dhib ka jiro ugu soo noqdaan oo ay dadka ula qaybsadaan, balse Somalia waxaa ka dhacday arrin caksi ah oo madaxdii ay joogistooda soo gaabiyey si uusan usoo gaarin dhibka ka jira oo sidaas ayay dibedaha ugu carareen.” ayuu qof soo qoray.

”Yay madax u yihiin hadda ma Somalia mise dalalka ay u cararayaan?” ayuu qof kale oo yaabbani is waydiiyey.

”Yaysan dalka kusoo noqonin” ayuu soo jeediyey mid kale.

”Waa in la mamnuucaa inuu dalka xil ka qabto qof sita laba dhalasho.” ayuu mid kale yiri.

Si kastaba, tillaabadan ay qaadeen madaxdii shalay dalka ka carartay, ayaa marka laga soo tago in meelaha ay u ordeen ay ka mid yihiin meelaha ay ugu dhimasho badan yihiin dadka madow, misna waxaa ka muuqata garasho la’aan ku wajahan sida ay dadku u arkayaan dhaqankooda iyo sida ay u xil gudan karaan haddiiba aanay jirin ka go’naan ku aaddan shaqadooda.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media