Cudur hor leh oo si u shabbaha Covid-19 oo laga helay Australia (Maxaa laga qaadaa?)

0

(NSW) 15 Maajo 2020 – Waxaa la diray qayladhaan cusub oo ku saabsan cudur halis ah oo laga qaado shimbirka Baq-baqaaga kaddib markii isbitaalka loola cararay 3 qofood, waxaana jirradan loo bixiyey ‘Qandhadii Baq-baqaaga’ laga helay Australia.

Saraakiisha caafimaadka ee Isbitaalka Blue Mountains and Lithgow oo ku yaalla New South Wales ayaa dadwaynaha uga digey inay u dhowaadaan shimbir-duureedka kaddib markii uu caabuq sidahani soo baxay bishii Abriil.

Caabuqa laga qaado shimbirahan ayaa yimaada marka aad taabato shimbir buka ama wax iyaga ka yimid, waxaana astaamaha ka mid ah min hargab dhexe ilaa qaar-jeex ama pneumonia.

Caafimaada Gobolka New South Wales ayaa sheegay in cudurkan laga qaado shimbir-duureedka, sida lagu ogaadey Isbitaalka Blue Mountains and Lithgow.

Inay astaamaha cudurkani soo muuqdaan ayaa qaata min 2 ilaa 28 maalmood, wuxuuna Maareeyaha Caafimaadka Dadwaynaha, Dr Bradley Forssman, uu dadwaynaha uga digey inay u dhowaadaan shimbiraha.

Cudurkan ayaa karoonaha ka shabbaha inuu hargab yahay iyo inuu weerarayo neef-mareenka.

Hadalsame Media