”Waa argagixiso cusub!” – Arrinta Caa’isha oo gaartey Baarlamanka Talyaaniga & dood kulul oo la is dhaafsaday (Xildhibaan loogu baaqay inuu is casilo)

0

(Roma) 13 Maajo 2020 – Siyaasiga Alessandro Pagano oo ka tirsan Xisbiga Midigta Fog ee cunsuriga ah ee Lega Nord ayaa Caaisha Romano ku tilmaamay “argagixiso cusub”, waloow ay warkiisa markiiba ka jawaabtey Maria Rosaria Mara Carfagna, oo ah Madaxwayne Xigeenka Aqalka Hoose ee Talyaaniga.

Halkan ka DAAWO…

Pagano, oo ka hadlayey ajende ku saabsanaa Covid-19 oo laga doodayey ayaa sheegay in askari booliis ah oo cudurkaa u dhintay uusan ka qayb gelin xitaa hal qof oo dowladda ka socda, isagoo yiri “Waxay soo dhoweeynayeen argagixisada cusub ee soo laabatay.”

Waxaa kaddib arrintaa cabasho ka muujiyey dhowr xildhibaan oo Aqalka fadhiyey, waxayna Carfagna ka dalbatay inuu warkaa joojiyo.

Yeelkeede, waxaa ka daba qaatay Xildhibaan Emanuele Fiano oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga ah ee Liberaalka ah, kaasoo warka Pagano ku tilmaamay  “mid aan la aqbali karin” in qof uu Aqalka u adeegsado madal uu ugu “gefo qof 18 bilood maxbuus ahaa” marka la eego Xeerka Dembiyada.

Guddoomiye Xigeenka Carfagna oo warka kusoo noqotay ayaa sheegtay inay durba joojisey warka Pagano oo ay run tahay “inaan la aqbali karin oo uu mas’uuliyaddiisana qaadayo”. 

Elena Grandi, oo ka mid ah afhayeennada Xisbiga cagaaran ee Verdi-Europa Verde oo ay wehliyaan Laura Russo iyo Silvana Meli, ayaa iyagu kuba baaqaya inuu is casilo Pagano oo ay ku eedeeyeen inuu dumarka liidayo.

Arrinta Caaisha ex Silvia ayaa muran hadda maraya halka ugu sarreeysa ee laga go’aamiyo talada Talyaaniga ka oogtey Talyaaniga.

Hadalsame Media