Booliiska Talyaaniga oo baaritaan ku bilaabay war uu sheegay Afhayeenka Al Shabaab & sharci ay jebisey Dowladda Talyaanigu (Laba su’aalood oo taagan)

0

Kaddib markii uu warqaadka Repubblica oo soo xiganaya Afhayeenka kooxda Shabaabka ee Cali Dheere uu xaqiijiyey in lacag madax furasho laga bixiyey Caa’isha ama Silvia Romano ayaa waxaa arrintaas ka dhalatay dood sharci ah oo cusub.

Ururka Midowga Yurub ayaa waxaa u yaalla sharci dhigaya inaan lacag madax furasho ah la siin karin kooxaha wax afduubta iyo kuwa xag-jirka ah, sida ku qoran isla Repubblica.

Ciidamada Booliiska Talyaaniga ee lagu magacaabo Carabinieri Waaxdooda Howlgallada Gaarka ah ayaa la sheegay inay baarayaan waraysiga Pietro Del Re, si ay u baaraan xogta iyo nuxurka ku jira warka Cali Dheere.

Arrinta Silvia ayaa muran badan ka dhalisay gudaha iyo dibedda Talyaaniga, iyadoo ay Talyaanigu ku eedaynayaan inay xiriir la yeelan karto kooxaha xag-jirka ah ee haystey 18-ka bilood, halka dad Soomaali ihi ay is waydiinayaan sababta magdhow looga qaaday haddiiba ay gabadhu Islaamtay.

Hadalsame Media