Turkiga oo Imaaraadka ku eedeeyey inuu qas ka wado dalal ay Somalia ku jirto

0

(Ankara) 12 Maajo 2020 – Turkey ayaa markale wuxuu haatan Imaaraadka ku eedeeyey inay Bariga Dhexe ka wadaan qas iyo qalaanqal, isagoo ku eedeeyey inay faragelinayso dalal ay ka mid yihiin Libya, Yemen iyo Somalia.

Wasiir Dibadeedka Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu, ayaa isaga oo ka jawaabaya eed loo jeediyey Turkiga laftiisa oo lagu eedeeyey faragelinta Libya ayaa sheegay in Imaaraadka iyo Masar ay yihiin eel lasoo diray, iyagoo ku lug leh khilaafka Libya oo ay taageeraan Khaliifa Xaftar, isagoo markale gaar ula baxay Imaaraadka.

“Haddii aad i waydiiso yaa gobola qasaya, yaa foowdo ka wada, waxaan dhihi lahaa Abuu Dabeey anigoo aan laba-labaynin,” ayuu yiri.

Çavuşoğlu ayaa sidoo kale Imaaraadka ku eedeeyey inay taageeraan kooxda xag-jirka ah ee Al Shabaab ee Somalia, halkaasoo uu Turkigu ku leeyahay saldhig uu ku tababaro ciidamada Somalia.

Xiriirka Ankara iyo Abuu Dabeey ayaan qurxoonayn tan iyo 2017-kii markii ay Sucuudiga, Imaaraadka iyo dalal kale ay xiriirka u jareen dalka Qadar oo gurmad ka heshay Turkiga.

Imaaraadka ayaa sidoo kale ka mid ah gaashaanbuur Carbeed oo dagaallo lagu hoobtey isla markaana aad loogu burburiyey ka wada dalka Yaman.

Hadalsame Media