Somalia oo si rasmi ah u bilowday bixinta shatiyada xirmooyinka shidaalka (Sida ay maamulladu u kala heleen?)

0

(Muqdisho) 12 Maajo 2020 – DF Somalia ayaa si toos ah u bilaabaysa tartanka loo gelayo bixinta shatiyada xirmo saliideedyo ku jira xeebaha Badwaynta Hindiya ee Somalia.

Sida uu Twitter ku baahiyey Wasiir Xigeenka Batroolka Jubbaland, Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal, waxaa maanta si rasmi ah loo bilaabay bixinta shatiyada ilaa 7 baloog oo ku kala yaalla  4 Maamul-goboleed oo kala ah; Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland, wuxuuna tirsigoodu kala yahay 52, 153, 164, 165,177, 178 iyo 204.

Baloogyadan oo la waafajinayo Xeerka Batroolka Somalia, ayaa waxaa doonaya ilaa 130 maalgashadayaal caalami ah, iyadoo ay shati bixintu soconayso ilaa Maarso 2021-ka.

Haddii aannu sii cayinno sida ay Maamul-goboleedyadu u kala leeyihiin baloogyada shatiyadooda la bixinayo waxay noqonayaan sidatan:

Galmudug: 152 iyo 153
HirShabeelle: 164 iyo 165
Koonfur Galbeed: 177 iyo 178
Jubaland: 204

Somalia ayaa doonaysa inay shati bixinta wejiga hore ku bilowdo ilaa 15 baloog badeed oo ay ceegaagto saliid dhan 30 bilyan oo fuusto.

“Waxaannu shatiyada 15 xirmo saliideed” ayuu bishii Nofeembar yiri Wasiirka Shidaalka iyo Khayraadka Dabiiciga ah, Abdirashid Mohamed Ahmed oo la hadlay Reuters, mar uu ka qayb gelayay Shirka Afrika ee Saliidda iyo Gaaska oo lagu qabtay Cape Town.

Hadalsame Media