Sida ay Fahad Yaasiin, Mire Indha-Yare, Turkiga & Qadar ay gacan uga gaysteen soo daynta Silvia Romano oo la kashifay

0

(Milano) 12 Maajo 2020 – Waxaa isa soo taraya xogta ku saabsan sida loo sii daayey samafale Silvia Romano oo Axaddii ka degtey Gegada Ciampino ee magaalada Roma.

Barnaamijka “Africa Oggi” ee ka baxa Radio Radicale, ayaa ka hadlay arrinta Silvia Romano waxayna sheegeen inay ogaadeen inay weli nooshahay, balse ay ogolaadeen inaysan arrintan ka hadlin, si aysan u qasin shaqada dadka soo daynteeda ku howllanaa.

Iminkase waxaannu sheegi karnaa in dadkii xiriirka tooska ah la samaynayey Silvia Romano ay ka mid ahaayeen Madaxa Sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo ah weriye horay uga tirsanaa Al Jazeera isla markaana uu aad u dhegeysto MWFarmaajo.

Waxaa intaa dheer, in MW Farmaajo uu aad ugu dadaalayey in lasii daayo Silvia Romano maxaa yeelay wuxuu afduubku dhacay xilli uu booqasho rasmi ah ku joogey Talyaaniga.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa loo arkaa nin ka mid ah shakhsiyaadka ugu saamaynta badan, isagoo ka faa’iidaysanaya xiriirka uu Qadar la leeyahayna wuxuu u ololeeyey laba Madaxwayne oo kala ah Hassan Sheikh Mohamud oo la doortay 2012 iyo Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo oo soo baxay 2017-kii.

Italy, Turkey, Qatar iyo Somalia ayaa sidaa darteed ka wada qayb qaatay sii daynta Silvia Romano iyagoo ku socda tilmaamaha Madaxa NISA oo door asaasi ah ciyaarayey, sida uu sheegay Radio Radicale.

Turkey ayaa damaanad qaadday in ay lacagta madax furashadu gaarto afduubtayaasha, halka Qadar oo horay ugu eedaysnayd inay argagixisada taageerto isla markaana la sheegay inay doonayso inay u kala dab qaaddo iyaga iyo DF haddii ay cunfiga ka tanaasulaan, ay ballan qaadday in gabadha loola dhaqmo si wanaagsan inta la haysto.

Ugu dambayn, waxaa la isku raacay in gabadha la keeno agagaarka Afgooye oo ah magaalo 30 KM koonfur ka xigta Muqdisho, waxaana gabadha Silvia Romano iyo lacagta la isku waydaarsadey Beerta Xaaji Mire Indha Yare, oo ah ganacsade iyo nin akhyaar ah oo naxariis badan oo ka tirsanaa kooxdii “Maanafaysto” ee 1989-kii, ku dhawaaqday USC, iyaga oo uu hormood u yahay Ismaaciil Cosoble Jimcaale.

Hadalsame Media