Kenya oo Somalia ku tilmaantay dalka u keenay kiisaska ugu badan ee Covid-19

0

(Nairobi) 12 Maajo 2020 – Kenya ayaa soo saartay liiska dalalka ay uga yimaadeen kiisaska ugu badan ee caabuq-sidaha Covid-19, waxayna Somalia u calaamaysay dalka 1-aad dhanka Afrika.

Somalia ayay sheegtay inay masuul ka tahay 13 kiis oo Kenya laga helay, balse ka yimid Somalia, marka la eego 17 dal oo Afrikaan ah oo uu Kenya cudurku kasoo galay.

Waxaa Somalia ku xiga Tanzania oo 11 kiis ka yimid iyo Ethiopia oo laba ah. South Sudan iyo Uganda waa min hal kiis.

Dhanka kiisaska Afrika ka baxsan, waxaa 1-aad ku jira Imaaraadka oo Kenya soo geliyey 47 kiis, kaddibna Maraykanka oo 15 kiis ah, halka Shiinaha oo uu cudurka dhamiba kasoo bilowday ay Kenya sheegtay inay kiis kasoo galeen.

Si kastaba, Uganda ayaa 7-dii bishan 18 darawal oo Kenyan ah ka heshay cudurka karoonaha, kaddib markii ay xadka ka tillaabeen.

Hadalsame Media