Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo sheegay inay jiraan dad ”macaash” ka raadiya fatahaadda (Dad biyaha soo faruuraya oo uu sheegay!)

0

(Beledwayne) 11 Maajo 2020 – Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, ayaa ka hadlay wax uu ku sheegay inay jiraan dad ”macaash iyo dano gaar ah” ka raadiya fatahaadaha kusoo noqnoqda Beledwayne.

Jeyte ayaa xusay inay dadkaasi xitaa ”biyaha soo faruuraan” marka la mooso, si ay hadhoow wax ugu raadsadaan dadka ka barakacaya magaalada, kuwaasoo uu ugu hanjabey inuu tillaabo adag oo aanay abid horay u arag ka qaadi doono.

”Kuwa NGO-leeyda ah ee dadka qixiyey haka qayb galeen howlaha ka socda magaalada sida buufinta kaneecada, biya baxadana haka qayb qaateen, balse 1 doollar laguma bixin karo bannaankaas,” ayuu yiri Gud. Jayte oo sheegay in dadkii magaalada laga saaray, iyadoo aysan jirin sabab iyo cid amartay.

Wuxuu sheegay inuu warqad u diray hay’aad fara badan oo magaalada ka howlgala, balse ay soo jawaabeen 2 hay’adood oo qura, isagoo NGO-yada ku eedeeyay inay dadka macaash ka raadinayaan, balse aysan marna ka qayb qaadanin howlaha horumarinta.

”DF way dadaashey oo intanba maynaan qabi jirin oo cid nasoo eegtaba ma jiri jirin oo waxaan ahaan jirney ”Dibiga Doollood,” balse naguma filla.” ayuu yiri Jayte oo mahad celin iyo codsi u diray DF Somalia.

Arrintan cusub ayaa walaac badan ku abuurtay dadka degaanka iyo guud ahaan Soomaalida, iyada oo ay horay u jirtey in aan deeqaha la keenaa si hufan u gaarin dadka loogu tala galay oo idil, iyadoo ay dhowr soo qayla dhaamiyeen dad ku doodayey in lagu qadiyey kaalmada loogu tala galay barakacayaasha.

Hadalsame Media