Wasiir Fiqi oo jawaab kulul ka bixiyey war kasoo yeerey Taliyihii Booliiska Dhuusamareeb

0

(Dhuusamareeb) 09 Maajo 2020 – Waxaa xalay saq dhexe xilkii iska casilay Taliyihii Booliska Dhuusamareeb dhame Burhaan Axmed isaga oo faahfaahin ka bixiyay sababtii keentay iscasilaaddiisa oo uu ku micneeyey ”rag Shabaab ka tirsanaa oo la sii daayey.”

Waxaa haddaba arrintaa ka falceliyey Wasiir Amniga Galmudug, Axmed Macallin Fiqi oo warkiisa ku bilaabay xog sogordahan oo uu ku sheegayo ”inuu soo dhow yahay xilligii waabberiga iyo dhamaadka kooxaysiga” sida uu yiri.

”Lama arag askari ama sarkaal inkirsan maamulkii uu la shaqaynayey una yaqaan kuwo Alshabaab la shaqeeya, kaasoo isku ah; askari wax soo qabta, garsoore wax eedeeya iyo qaali xukun rida.” ayuu yiri Fiqi.

Fiqi ayaa intaa raaciyey war u eg digniin ku socota qofkii qaada jidka taliyaha oo uu ku sheegay mid ka leexday dowgii saxda ahaa.

”Sarkaalka ama askariga inta aan shaqo loo dirin ka hor waa in la soo baraa shuruucda ciidanka. Sharcigana looma qalloocin karo dhanka waxa aad aaminsanayd inta aadan askari noqon oo ah dadka kaa aragtida duwan oo dhan in aad ku dhejiso shaabbad seeko ah oo Al Shabaabnimo.” ayuu daba dhigay.

”Ma dhacayso in ciidamanimada ama derajooyinka ciidanka loo adeegsado in lagu fushado dano ka baxsan kuwii la isku igmaday!” ayuu warkiisa sii raaciyey.

Saraakiisha Ciidamada Somalia iyo xitaa dablayaasha ayaa marar badan la arkaa iyaga oo ka hadlaya go’aamo siyaasadeed ama kuwa maamul oo aan shaqadooda caadiyan ka tirsanayn.

Hadalsame Media