”Turkigu wuxuu nagu hubaynayaa Somalia!” – Arag jawaabaha ay Kenya ka bixiyeen kaalmada Turkiga

0

(Nairobi) 09 Maajo 2020 – Ololeeye Kenyan ah oo la yiraahdo Onyango Ochieng Jr ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray faallo uu buunbuuninayo xiriirka Somalia iyo Turkiga, iyo fursadda Somalia ee mustaqbalka dhow.

Ninka ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu Turkigu yahay saaxiibka dhabta ah ee Somalia oo uu siiyey 5000 oo neef-siiye, isla markaana uu u dhisay dugsiyo tababarro sare siiya ciidanka Somalia oo uu sheegay in ay 20 dhakhtar u dirtay Talyaaniga, waloow taasoo dambe ay tahay dacaayad aan raad lahayn.

Kaddib Kenyan badan ayaa ka jawaab celiyey hadalka Onyango ayuu midba meel dhigay, iyagoo inta badan isla qiray qarada xiriirka Somalia iyo Turki.

”Waa hub lagu qarinayo magac neef-siiye!” ayuu midood yiri.

”Turkigu aad buu u caawinayaa Somalia, xitaa Soomaali badan oo Nairobi ku ganacsan jirtey ayaa Turkiga u wareegtey kuna bullaashay.” ayuu mid kale uga koobiyey.

”Turkigu wuxuu Somalia ka dhistay Safaaraddiisa ugu wayn ee uu Afrika ku leeyahay. Haddii ay Somalia sii taagnaato waxay Kenya uga hormari doontaa dhanka Dalxiiska, Xoolaha Nool, Ganacsiyada Dekedaha iyo Badda.” ayuu yiri Kenyan kale.

”Turkigu isaga oo aamusan ayuu horteenna ku dhisayaa Khilaafadii Cusmaaniyiinta.” mid baa yiri.

Halkan hoose guji si aad jawaabaha oo dhan u daalacato.

 

Hadalsame Media