Shiinaha oo 3 laab kordhinaya madaxyada NUKLIYEERKA ee uu haysto (Dalka arrintaa ku khasbaya?)

0

(Beijing) 09 Maajo 2020 – Shiinaha ayaa lagu boorriyey inuu 3 laabo cududdiisa nukliyeerka, si uu Maraykanka uga hor istaago inuu kaligii sii ahaado cududda caalamiyan haatan ugu firfircoon, sida lagu qoray Global Times oo u janjeera dhanka Xisbiga Hantiwadaagga ah ee dalkaasi.

Qoraal uu GT ku qoray Hu Xijin ayuu ku sheegay in Shiinaha oo aan marna doonayn inuu noqdo dalka ugu horreeya ee nukliyeer adeegsada uu doonayo inuu cududdiisa muujiyo, iyadoo uu wargayskani aad uga war hayo tillaabooyinka dowladda.

Wuxuu sheegay inay Beijing waajib ku tahay inay ilaa 1,000 gaarsiiso madaxyada hubka nukliyeerka ee ay iminka haysato oo lagu sheego ilaa 300.

Wuxuu sheegay in Shiinaha oo kordhiya madaxyadiisa nukliyeerku ay ka shiiwinayso “aabiga ka xanaajiska ah ee” ee Maraykanka, sida uu hadalka u yiri.

Mr Xijin oo sidoo kale ah Tifaftiraha GT ayaa carrabka ku adkeeyey in waloow uu isagu door bidayo “inay nabd ku wada jiraan” Shiinaha iyo Maraykanku, ay misna Maraykanka ka go’an tahay “in la is muquuniyo oo qura” sidaa darteedna aanu Shiinuhu ka “baryaynin” inay jaal siman ku noqdaan masraxyada caalamka.

Waa murtidii ”Nimaan Rabin Sinaantiina Adna Diid Sareyntiisa”.

Hadalsame Media

Facebook Comments