Jarmanka oo warbixin uu soo saaray Israel oo dhanba ka masaxay khariidadda Bariga Dhexe

0

(Berlin) 09 Maajo 2020 – Germany ayaa lagu khasbay inay raalli gelin ka bixiso warbixin ciidan oo ay soo saareen oo Israel ka tirtay khariidadda Bariga Dhexe.

Waaxda Sirdoonka Millateriga Jarmanka ee MAD, ayaa durba lasoo deg degtey raalli gelin ay ka bixinayso warbixintan qabyada ah oo ku saabsan sanadkii tegey ee 2019-kii, iyadoo dhulka Falastiin iyo kan ay hadda Israel haysataba lagu daray dalka Urdun.

Afhayeen u hadlay MAD, Peter Weier, ayaa sharraxay in sida uu yiri uu khalad ka dhacay diyaarinta warbixintan oo khuseeysa meelaha ay ka howlgalaan MAD.

Waxaa arrintan dadka kusoo jeediyey nin Twitter-ka isticmaala oo la yiraah Klemens Köhler oo soo qoray: “Warbixinta ay dadwaynaha la wadaagtey MAD Israel ayaa khariidadda ka maqan.”

Hadalsame Media