Imaamka Masar ugu wayn & Imaaraadka oo soo dhoweeyey ”cibaado” uu ku baaqay Pope-ka Katooliggu

0

(Vatican) 09 Maajo 2020 – Pope Francis oo ah hoggaanka ruuxiga ah ee mad’habta Katooligga ayaa soo jeediyey in “insaanka oo dhami” ay ka ducaystaan cudurka Covid-19 Khamiista soo aaddan.

Waxaa qorshahan oo ay soo agaasintey hay’adda walaalnimada insaanka ee Higher Committee of Human Fraternity, loo muddeeyey Khamiista soo socota oo ku dhacaysa bartamaha bisha barakaysan ee Ramadaanka.

Yeelkeede, waxaa baaqan soo dhoweeyay Imaamka ugu wayn Masar, Imam Ahmad al-Tayeb, oo shucuubta dunida oo idil ku boorriyey “inay ALLE ka baryaan inuu daacuunkan ka dul qaado,” mar uu war soo dhigay Facebook.

Waxaa dadka baaqa 14-ka Maajo taageeray ka mid ah Dhaxalsugaha Abuu Dabeey Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, MW Lubnaan Michel Aoun, Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres, iyo Ecumenical Patriarch of Constantinople Bartholomew.

Hadalsame Media