Nin Soomaali ah oo ay Eastleigh ku dileen dad ay kusoo dirtay naagtiisu + Sawirro & dokumentiyo

0

(Nairobi) 08 Maajo 2020 – Taksiile Soomaali ah oo lagu magacaabo Hassan Abdi Mohamed ayaa Isniintii lagu toorriyeeyey xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi, kaddib markii ay xaaskiisu usoo adeegsatey koox dilalayaal ah, sida uu qoray Horn24.

Booliiska ayaa iminka soo qabtay 5 eedaysane oo lala xiriirinayo khaarajinta Xasan oo 33-jir ahaa, iyadoo muuqaal ay Booliisku tuseen Horn24 uu muujinayo nimanka oo qiranaya inay toorreey ku dileen marxuumka oo ay sheegeen inay usoo adeegsatey xaaskiisa oo uu muran-qoys dhex yaalley, si laye ay u cabsiiyaan.

Dadka la hayo oo ay gabari ku jirto ayaa kala ah: Ahmed Hussein,  Ikaran Mohamed Ahmed, Mohamed Abdi, Ahmed Hussein iyo Mara Bisar.

“Waxaan ahayn 6 qof, waxaan doonaynay inaan cabsiinno, balse aniga ayaa dhabarka toorreey uga dhuftay waana ka cararnay” ayuu muuqaalka ku leeyahy Ahmed Hussein.

Horn24 ayaa sidoo kale ogaadey in xaaska Hassan oo la yiraahdo Muna Aden Yuusuf oo 2 carruur ah u leh, ay doonaysey inay ninkeeda is furto, iyada oo uu kiiskoodu ka furnaa Maxkamadda Qaaddiga Nairobi oo dacwaddooda qabtay Jannaayo 22, 2020.

Waxaa la sheegay in ay mar iskaga dhaqaajisay ilmeheeda midkood oo aad u yar, iyadoo soo noqotay sanad kaddib isagoo ku tilmaamay qof xil daran oo aan mas’uul ahayn, sida uu Xasan Qaaddiga u sheegay, halka ay iyadu ku eedaysay inaysan ka helin daryeelkii aabbe, jacayl iyo dhowraarin, isla markaana uu dilo.

Booliiska ayaa Horn24 u sheegay in dadka la qabtay ay ka tirsan yihiin gaangiska SuperPower, kuwaasoo ka howlgala xaafadda Eastleigh.

Hadalsame Media