DAAWO: Muuqaalka nin madow ah oo maalin cad ay niman caddaan ihi jidka ku toogteen oo muran ka dhaliyey Maraykanka

0

(Brunswick, GA) 08 Maajo 2020 – Laba nin oo caddaan ah – wiil iyo aabbihii – ayaa la xirey iyagoo dil lagu eedeeynayo kaddib markii la sheegay inay si kibir ah jidka ugu toogteen nin madow ah.

Ninka la diley, Ahmaud Arbery, ayaa jidka ku rucleeynayey subax hore kahor inta aanay tooganin labadan nin bishii Febraayo.

Dilka 25-jirkan ayaa ka dhacay magaalo maarsada Brunswick, oo ka tirsan gobolka Georgia, waxaana haatan dibad baxyo cusub Maraykanka ka bilaabay muuqaalka hadda soo baxay.

Qaraabada Arbery ayaa ku farxay soo ban-bixitaanka muuqaalkan, balse waxay walaac ka muujiyeen inay intan oo dhan qaadato in xitaa nimankan lasoo xiro oo wax la waydiiyo, taasoo ah arrin aad loogu cambaareeyey hannaanka cadaaladeed ee Maraykanka oo lagu sheegay mid cunsuriyaysan.

Muuqaalka ayaa muujinaya Arbery oo la wareegaya gaari dusha ka furan oo ay wataan labada nin kaddibna waxaa dhacaysa xabbad, iyadoo la arkayo ninka dhintay oo qoriga la qabsanaya kaddibna waxaa lagu dhufanayaa xabbado kale.

Nimanka wax diley oo kala ah Gregory McMichael oo booliis ahaan jirey iyo wiilkiisa Travis ayaa bilowgii Boliiska u sheegay inay cayrsadeen ninkan oo ay ku sheegeen inuu gurigooda usoo dhacay, balse hooyadii Cooper Jones, ayaa sheegtay inuu wiilkeeda oo laacib hore ahaa uu rucle samayn jirey subaxii.

Hadalsame Media