Rag ku eedaysan dilka Taliyihii Gor Gor oo Maxkamad lagu soo taagey Muqdisho & magacyadooda (2 ka mid ah oo isku dayday inay…)

0

(Muqdisho) 07 Maajo 2020 – Waxaa Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Somalia lasoo taagey ilaa 4 nin ilaalo ah oo ku eedaysan inay dileen Taliyihii Ciidamada Gor Gor, Gaashaanle Maxamed Saleebaan Abiikar (Maxaaddey) iyo Dable Ismaaciil Maxamuud Maxamed oo isla Gor Gor ahaa.

Raggan ayaa lagu toogtey meel la isku baaro oo laga galo Hoteelka Maa’ida (Ex Naasa Hablood 2) ee Magaalada Muqdisho 18-kii Oktoobar sanadkii hore ee 2019-kii.

Ragga dilka loo haysto ayaa kala ah; Xasan Xuute Cismaan, Juulle Gaaboow Ibraahim, Salaad Xayle Macallin iyo Mukhtaar Cabdullaahi Muuse.

Dacwad oogayaasha ayaa eedaysane kasta siiyey fursad uu kaga jawaabo eedda loo haysto, iyadoo ay baaritaankii ay sameeyeen soo bandhigeen qaybta baaritaanka cilmiyaysan ee Forensic-ga Booliiska, kuwaasoo soo bandhigay 11 qashir ama fooq oo loo adeegsadey xabadaynta ragga dhintay.

2 ka mid ah eedaysanayaashu ay isku dayeen inay marin habaabiyaan geeddi socodka dacwadda, taasina ay tahay sababta ugu wayn oo ay u jiitantey ilaa iminka.

Dacwadda ayaa sii socon doonta.

Hadalsame Media