WAR FARXAD LEH: Somalia oo kaalinta 1-aad ka gashay Afrika & 1-ka sare ee caalamka (Dalal aanba la tirin)

0

(Muqdisho) 06 Maajo 2020 – Somalia ayaa dunida ka gashay kaalinta 7-aad marka la eego rakhsiinimada sicirka la iibiyo 1-dii GB oo xaraaradda internet-ka.

Somalia ayaa 1 GB la gadaa nus doollar ama $0.50, sida ku cad xog laga soo ururiyey 238 dal iyo gayi oo caalamka ah oo uu daabacay cable.co.uk.

Somalia ayaa sidoo kale 1-aad uga jirta Afrika oo idil, iyadoo horumar wayn ku samaysay muddaddii 12-ka bilood ahayd ee ugu dambeeyay.

Tusaale, sanadkii tegey waxay Somalia caalamka uga jirtey kaalinta 134-aad, iyadoo 37-aad ka ahayd qaaradda gabowdey ee Afrika, iyadoo $6.19 iibininaysey 1 GB.

Si ka duwan Somalia, Benin ayaan wax horumar ah  samaynin, balse way kasii dartay, iyadoo kasoo kacday kaalinta 215-aad iyo tan 49-aad ee qaaradda iyadoo uu sicrka 1 GB ahaa $20.99, Benin haatan waxay gashay 222-aad iyo booska 48-aad ee Afrika, iyadoo 1 GB hadda ku bixisa $27.22.

Waxaa jira dalal aanba la tirin, kuwaasoo aad ugu dambeeya dhanka kaabayaasha isgaarsiinta, waxaana ka mid ah: Cook Islands, Christmas Island, Eritrea, North Korea, Marshall Islands, St. Pierre and Miquelon, South Sudan, Tuvalu, Venezuela, Wallis and Futuna, Congo (Democratic Republic of), Vatican City (Holy See), iyo Zimbabwe.

Somalia ayaa weli u baahan in lasii dhimo sicirka internet-ka guryaha la geliyo, si ay u gaarto dalalka ugu rakhiisan data-da mobaylka iyo midka guryaha intaba, sida India, Israel, Kyrgyzstan iyo Italy oo dunida ugu rakhiisan.

Hadalsame Media