”Waa noo diideen!” – Kenya oo sheegtay in ciidamada Itoobiya ay u diideen inay tagaan goobta shilka

0

(Nairobi) 06 Maajo 2020 – Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay Kenya u diideen inay galaangal u yeelato goobta shilka ee ay ku dhacday dayuuradda African Express oo ay ku dhinteen 6 qof oo saarnaa oo ay 4 Kenyan ahaayeen.

Dayuuraddan oo ahayd noocyada fudud ee xamuulka qaada ayaa Kenya uga diiwan gashanayd 5Y-AXO waxaana la sheegay inay gantaal ku dhufteen ciidamada Itoobiya.

“Faahfaahin ma bixin karo balse ciidamada Kenya waa loo diidey inay tagaan goobta shilka,” ayuu sarkaal sare oo Kenyan ihi u sheegay The Star.

“Waxaa sidoo kale meesha jooga Al Shabaab marka ma doonayno inaan sheegno halka saxda ah ee aannu ka joogno, ilaa baaritaanku dhamaado.” ayuu daba dhigay.

 

Hadalsame Media