”Na quudi balse qari!” – Jarmanka oo Turkiga ula tegey codsi yaab leh (Sababta oo ka sii daran)

0

(Berlin) 06 Maajo 2020 – Wasiir Dibadeedka Jarmanka, Heiko Maas, ayaa Dowladda Turkiga ka codsaday inay qariso 2 milyan oo maasgare oo ay ku saddaqaysatay gobolka North Rhine-Westphalia, sida ay faafisay saxaafadda Jarmanku.

Sida uu sheegay TV-ga Tagesschau, afhayeenka maamul-goboleedka North Rhine-Westphalian (NRW) ayaa sheegay inay Turkigu siiyeen 2 milyan oo gafuur-saab, taasoo qayb ka ah kaalmada uu Turkigu caalamka gaarsiinayo si ay ula tacaalaan COVID-19.

Mr Maas ayaa la sheegay inuu dowladda Turkiga ka codsaday inaysan kaalmadan shaacin, kaddib markii ay RW maamul-goboleedka NRW ee Armin Laschet iyo Maas ay ku murmeen in kaalmadan la aqbalayo iyo in kale.

TV-ga Tagesschau ayaa isna sheegay in sababta ay DF Jarmanku u diiddan tahay in la sheego kaalmada Turkiga ay tahay, in dadwaynaha Jarmanku aysan jeclayn Turkiga oo “calan cas” ka ah halkaasi, taasoo ka dhigan ”kuma jecli ee i jeenan.”

Turkey ayaa waxaa kaalmo waydiistey 100 dal, waxayna kaalmo gaarsiiyeen ilaa 57 dal oo ay ku jiraan Maraykanka, Britain, Kingdom, Italy, China iyo Spain.

Somalia ayaa ka mid ah oo ay 3 jeer kaalmo u duuliyeen Turkigu.

Hadalsame Media