Laacib geeri lagu tiriyey 4 sano kahor oo la helay isaga oo wershad ka shaqaynaya + Sawirro

0

(Ruhr) 06 Maajo 2020 – Laacib Congolese oo la yiraahdo Hiannick Kamba ayaa la helay isagoo ku nool Ruhr, Germany, kaddib markii la waysnaa muddo 4 sano kahor ah, isagoo geeri lagu tiriyey.

Laacibkan oo hore uga ciyaari jirey dadabka midig ayaa la sheegay inuu dhintay Jannaayo 9, 2016-kii, iyadoo weliba la sheegay inuu ku dhintay shil gaari oo ka dhacay dalkiisa Congo.

Yeelkeede, warqaadka Bild ayaa sheegaya in Kamba uu nool yahay isagoo 33-jir ah, isla markaana uu kusoo noqday shaqadiisa oo ah farsamo yaqaan dhanka kiimikada ah ee wershad ku taalla magaalada Ruhr.

Hadalsame Media