Itoobiya oo markii ugu horreeysey ka hadashay dayuuradda dhicisteeda iyaga lagu eedeynayo

0

(Berdaale) 06 Maajo 2020 – Ciidamada Itoobiya ayaa markii ugu horreeysey si rasmi ah uga hadlay eedaymaha loo jeedinayo ee ku saabsan inay iyagu soo rideen Dayuuraddii African Exp. ee ku dhacday Berdaale.

Mid ka mid ah dadka ay dayuuraddani u ijaaran tahay oo ah Xil. Ibbi, ayaa saxaafadda u sheegay in ay muuqaallada dayax-gacmeedku qaaday ay muujinayaan in dayuuradda ay ku dheceen wax dhulka ka yimid kahor inta aanay dhicin.

Yeelkeede, Gaashaanle u hadlay Ciidamada Qaranka Itoobiya(ENDF) Mohamed Tessema, ayaa ku dooday inaysan ”wax war ah u haynin ama maqlin” wacaal ku saabsan inay iyagu soo rideen dayuuradda.

Warka Tessema ayaa diraya moowjado cusub, maadaama ciidanka qura ee u dhow garoonka ee haysta hub dayuuradda soo ridi kara ay yihiin kuwa Itoobiya.

DF Somalia ayaa sheegtay inay baaritaan ku samaynayso shilkan oo ay ku bexeen 6 qofood, iyadoo ay shalay halkaa gaareen wefdi ka socda DF Somalia, Kenya iyo Itoobiya.

Hadalsame Media