Dal sheegay in kiiskii Covid-19 caasimadiisa ugu horreeyey uu yahay Soomaali

0

(Sanca) 06 Maajo 2020 – Wasiirka Caafimaadka Yaman, Dr. Taha Al-Mutawakil, ayaa ku dhawaaqay in kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus (COVID-19) ah ee laga helo Sanca, kaasoo ah nin Soomaali ah oo isagoo dhintay laga helay meel hoteel ah.

Wasiirka ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda ka sheegay in ay arrintan ogaadeen markii ay baaritaan ku sameeyeen qofka dhintay.

Wuxuu sheegay inay shaybaar u qaadeen saami laga qaaday maydka ninka Soomaaliga ah deetana ay natiijadu noqotay inuu qabey coronavirus.

Ninkan dhintay ayaa la sheegay inuu sidoo kale qabey jirrooyin raagey oo kale sida kelyo xanuun iyo hepatitis.

Hadalsame Media