War cusub oo kasoo baxay cidda riddey dayuuraddi AE & sababta (Xog hoose oo naxdin leh)

0

(Berdaale) 05 Maajo 2020 – Waxaa soo baxay war cusub oo ku saabsan sababta ay usoo dhacday dayuurad ay leedahay African Express oo shalay lagu soo ridey agagaarka Garoonka Dayuuradaha Berdaale.

Warar laga helay saraakiil ka tirsan maamul-goboleedka KG Soomaaliya ayaa xagal cusub oo yaab leh u yeelay sida ay wax u dheceen.

Saraakiishan oo aan magacooda shaacin ayaa sheegay in ay aaminsan yihin in Ciidamada Itoobiya halkaa ka jooga oo “layli ciidan” samaynayey ay soo rideen dayuuradda African Express.

DF Soomaaliya oo maanta war soo saartay ayaa sheegtay inay samayn doonto “baaritaan sal ballaaran”, waloow aan inta badan waxba kasoo naasa caddaanin baaritaannada DF.

Hadalsame Media