Somalia, Kenya iyo Itoobiya oo wefdi heer sare ah u diray goobtii ay ku dhacday dayuuraddu

0

(Berdaale) 05 Maajo 2020 – Waxaa magaalada Berdaale, gaar ahaan, halkii ay ku burburtay dayuuraddii African Airways Express gaarey wefdi heer sare ah oo ka socda Somalia, Itoobiya iyo Kenya.

Wefdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Omaar, Wasiirka Gaadiidka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed, Safiirada Itoobiya iyo Kenya ayaa booqday goobtii ay ku burburtay diyaaraddii African Express ee Degmada Bardaale.

DF Somalia, gaar ahaan Wasaaradda Duulista Hawada, ayaa war ay maanta soo saartay ku sheegtay inay baaris “daah-furan” shilka ku samayn doonto.

Dowladda Kenya ayaa iyaduna isla DF Somalia ka dalbatay inay baarto shilkan oo ay ku sheegtay mid ku dhacay “duruufo aan kala caddayn.”

Hadalsame Media