Itoobiya & Kenya oo la sheegayo inay Somalia ka wadaan sheekada Maraykanka & Iiraan ee dalka Ciraaq

0

(Muqdisho) 05 Maajo 2020 – Waxaa shalay diyaarad yar oo ay leedahay shirkadda African Airways Express lagu soo ridey meel aan ka fogayn Garoonka magaalada Berdaale.

DF Somalia ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay nooca dayuuradda dhacday oo ahayd dayuurad gabow ah oo hawada ku jirtey tan iyo 27-kii Luulyo 1983-kii, taasoo ahayd laba matoorreey ay farsamaysay shirkadda Embraer, isla markaana ku diiwaan gashanayd 5Y-AXO. Waxay sheegtay inay baaritaan daah-furan ku samayn doonto.

Kenya oo dhacdadan dhiigleeyda ah daba socota ayaa si rasmi ah Somalia u waydiisatey inay baaritaan ku samayso wax ay ku sheegtay “duruufo aan kala caddayn” oo ku hareeraysan dayuurad yar oo dalkaa laga leeyahay ee shalay Berdaale ku dhacday.

Yeelkeede, waxaa durba bilowday aragtiyo dhagareedyo ku salaysan inay arrintani salka ku hayn karto ”dagaal qaboow” oo Somalia ku dhex maraya Itoobiya iyo Kenya, wax u qaab eg waxa ay Maraykanka iyo Iiraan ka wadaan dalka Ciraaq, heer ay gaareen inay gantaalo isku waydaarsadaan ama dad iskaga khaarajiyaan gudaha Ciraaq, taasoo ah gef loo gaystey madax bannaanida gayi ee Ciraaq.

Agaasimihii hore ee Geeska Afrika ugu qaybsanaa Hay’adda Xasaradaha Caalamiga ee ICG, ayaa iftiimiyey in diyaaraddii shalay kusoo dhacday Berdaale ay uga sii dari karto ”xiisadda ka dhex oogan” labada dal.

“Kenya iyo Ethiopia waxay u ciil-qabeen dagaal. In diyaarad ganacsi oo Kenyan ah lagu soo rido aag ay maamulaan ciidamada Itoobiya, waxay tusmeyneysa hoos u dhac cusub oo halis ah. Waa nacasnimo iyo fulaynimo in cayaar lasoo guuriyey lagu dul cayaaro Soomaaliyada aan tabarta lahayn,” ayuu yiri Rashiid Cabdi, oo qoraal soo dhigay twitter-ka.

Md Rashiid ayaa qiray in aragti dhagareedkani aanay lahayn raad toos ah, sida laga dhadhansan karo warka Kenya oo arrintan ku sheegtay mid ”aan la caddayn karin”.

“Haddii malahaygu saxan yahay. Ciidanka Itoobiya marnaba si shaacsan uma qiran doonaan. Dowladda federaalka waxay eedeyn doonta Al-Shabaab, si ay u raacdo sheekada Itoobiya. Kenya waa ay carroon doontaa, miiska ayey u garaaci doontaa saraakiisha Itoobiya, balse si qarsoon. Kuligood waa ay iska aamusi doonaan, wax walbana waxaa lagu illaawi doonaa maalmo gudahood.” ayuu daba dhigay.

Nairobi ayaa Muqdisho ka dalbatay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo shilkan, iyadoo ka digtey inay dhaawici karto howlaha samafalka aadminnimo ee Somalia.

Dayuuraddan ayaa la sheegay inay soo rideen Ciidamada Itoobiya, waana arrin waloow aan weli la hubinin, aad loola yaabban yahay.

Reuters ayaa sheegtay in dayuuraddan lala helay gantaal lidka dayuuradaha ah.

Hadalsame Media