SAWIRRO: Dadka Talyaaniga oo mar qura jidadka kusoo yaacay (Imisa dal ayaa maanta la furay?)

0

(Roma) 04 Abriil 2020 – Dadka Talyaaniga ah ayaa markii ugu horreeysey muddo kaddib jidadka iskugu soo baxay, kaddib markii uu dalkaasi qaaday handaraabkii ugu dheeraa Yurub intii lagu jirey xasaradda coronavirus. Halkan ka daawo…

Magaalada Venezia ama Venice, oo ahayd meelihii ugu horreeysey Yurub ee lagu arko jidad haawanaya iyo luuqyo maran, ayay dadku iskugu soo bexeen fagaaraha St Mark’s Square kaddib markii ay dadku isugu yimaadeen piazza-da.

Tareennada iyo maxaddooyinka basaska ayaa markale cariiri noqday magaalada Milano, iyadoo lagu wado in 4 milyan oo qofi ay dib ugu noqdaan shaqooyinka wershadaha iyo goobaha dhisamaha, halka ay dadku ku jimicsan karaan jardiinooyinka ama ay booqan karaan qaraabada markii ugu horreeysey dhowr todobaad kaddib.

Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay inay gobolladu mas’uul ka noqon doonaan waxyaabaha ay ka midka yihiin kala sikashada bulshada ee gaadiidka dadwaynaha, balse waxaa sawirrada ka muuqata inaysan jirin tilmaamo la raacayo.

Dhanka kale, boqollaal kun oo carruur ah ayaa dalka  Jarmanka iskuulladii kusoo laabtay maanta, maadaama iyaga muhiimadda la siiyey oo ay isu diyaarinayaan imtixaannada xagaaga.

Dalka Portugal ayaa isna qaaday xayiraadda qaarkeed, waxaana dib loo bilaabay in la furo dukaamada yar yar – waloow €350 oo euro lagu ganaaxi doono qofkii bulshada soo dhex gala isaga oo aan maasgare xirnayn.

Spain ayaa iyaduna fasaxday inay macaamiishu adeegyo u doonan karaan dukaamada qaar si meelaha timaha lagu sameeyo, waloow ay sidaa ku samayn karaan oo qura ballan ay sii dhigtaan.

 

Hadalsame Media