YAA KA TALIYA RAAS KIYAMBOONI? Arrinta dad Kenyan ah oo ku xiran Raas Kiyambooni oo wax badan iftiiminaysa!

0

(Raas Kiyambooni) 03 Maajo 2020 – Qoysaska dad Kenyan ah oo lagu hayo Raas Kiyambooni oo ka tirsan Somalia ayaa dowladooda ka dalbaday inay arrinta soo farageliso, si loosoo furto oo dalkooda loogu soo celiyo.

Todobada qof ayaa waxaa kasoo baxaya warar is khilaafsan, waxaana ka mid ah inay qandaraas ku qaateen inay wax ka dhisaan derbiga xadka Kenya-Somalia bishii Jannaayo ayay hay’adda u doodda xuquuqda Muslimiinta ee Muhuri waxay Taliyaha Booliiska Lamu County, Irungu Macharia ka codsadeen inuu soo farageliyo.

Guddoonka hay’adda, Khelef Khalifa, ayaa sheegay in misna sheegay in 7-dan qofi ay shaqo alxan ahayd u aadeen Kismaayo, Somalia, isla bishii Jannaayo, taasoo ay dhameeyeen 31-kii Maarso.

Balse markii ay dib usoo noqdeen lagu joojiyey Raaskiyambooni 5-tii bishii hore ee Abriil, halkaasoo lagu xirey dokomentiyadiina lagala wareegay.

Khalifa oo aan carrabaabaynin cidda dokumentiyada ka qaadatay ayaa misna wuxuu sheegaya in Taliyaha Lamu oo ay kala hadleen uu u sheegay inuu xadku si KMG ah u xiran yahay cudurka karoonaha dartii, balse ay haatan mar hore dhamaysteen 14-kii cisho ee karaantiilka iyo lacagtii ay wateenba oo ay jidadka seexdaan.

7-dan qof ayaa kala ah: Patrick Shinula Mwangala, Martin Mwaghazi, Ignas Kialu Mwanyumba, Michael Mjala, Gabriel Otieno, Elia Mwalili iyo Abas Mutuku. Kialu.

Dad goobjoog ah ayaa sheegay in maamulka Raas Kiyambooni ay u egyihiin kuwo ku shaqaynaya amarka maamulka Lamu (dib u dhadhanso warka Macharia) iyo in inay sii kordhayso saamaynta Kenya ee gobolka Jubbada Hoose qaybta ay ka joogaan ciidamada Axmed Madoobe.

Hadalsame Media