”Wuxuu qabtay shaqo wacan!” – Saxaafadda caalamka oo hadal haysa wiil Muqdisho ku ”sameeyey” neef-siiye macmal ah (Arag jawaabaha)

0

(Muqdisho) 03 Maajo 2020 – Xilli ay Somalia la hardamayso caabuq sidaha karoonaha oo aad ugu sii fidaya dalka, wiii Soomaaliyeed ayaa Muqdisho ku sameeyey mashiinka neef-siiyaha ah oo uu isagu hindisey.

Wiilkaan dhallinyarada ah oo lagu magacaabo Maxamed Caddaawe, 21-jir, ayaa qalabkaan uu sameeyey ku caawinaya dadka uu ku dhacay cudurka Coronavirus oo dad badan neefta ku dhejiya, markaasoo loo baahdo mashiin bixiya ogsijiin macmal ah.

”Waxaan tillaabadan qaaday kaddib markii aan maqlay wiil sheegaya inuu aabbihii ogsijiin la’aan Muqdisho ugu dhintay.” ayuu yiri Caddaawe oo sheegay inay 20 maalmood ku qaadatay samaynta mashiinkan.

Haddaba, waxaa warkan soo qaatay TV-ga Euro News oo sheekada cinwaan uga dhigay: ”Injineer Soomaali ah oo sameeyey neef-siiye si uu dalkiisa uga caawiyo la dagaallanka Covid-19.” Waxaa deeto jawaabo ka bixiyey dadwaynihii, waana kuwan qaarkood.

Mid baa ku kaftamay: ”Shaqo wacan saaxiib, isu bahaysta la dagaallanka Covid-19, kaddibna lacagta ka goosta WHO.”

Wiil Soomaali ah ayaa yiri: ”???? Waan kugu faraxsan ahay Allah ku dhowro walaal.”

Qof baa yiri: ”Wuu isku dayey, balse neef-siiyahani wuxuu neef-siiye rasmi ah agtiisa ka joogaa waxa ay dayuurad warqad laga sameeyey ka joogto dayuurad caadi ah agteed.”

Mid kalaa yiri: ”Wiilkani wuxuu doonayaa inuu Somalia wershadeeyo.”

Mid baa moowduuca bedeley: ”Waxaan ku faraxsan ahay inuu Somalia baaqi ku ahaaday oo uu caawinayo, halkii uu Yurub usoo qixi lahaa”

Hadalsame Media