”Macasalaameeya!” – Khibrad argagax leh oo ay mareen qoys Soomaali ah oo uu gabar da’yar uga dhacay Covid-19

0

(London) 03 Abriil 2020 – Qoys Soomaaliyeed oo niyad jabsan ayaa ku khasbanaaday inay muuqaalka la iska waco gabadhooda ka macasalaameeyaan iyada oo saaran sariirta isbitaalka kaddib markii uu soo ritey coronavirus.

Nasro Cadde, 25jir, oo kelyuhu istaageen, ayaa dhimatay 11 maalmood kaddib markii laga helay Covid-19 kaddibna lagu go’doomiyey Isbitaalka St George ee Tooting, koonfurta London, sida uu qorayo The telegraph.

Deeto, waalidkeed ayaa waxaa laga wacay FaceTime si ay ula dardaaranto una macasalaamayso, iyadoo ay neeftu dhibayso oo daallan kaddib markii ay dhakhaatiirtu go’aamiyeen inay adag tahay inay bogsooto maadaama aanu jirkeedu ka jawaabayn dawooyinkii kaalmaatiga ahaa, sida ay sheegtay saaxiibteed ay 12 sano is yaqaanneen Iisha Geeseey.

Nasro walaasheed ayaa sheegtay in ay qoyska oo murugaysan maadaama aanay xitaa u dhowaan karin, u sheegtay inay daallan tahay, iyadoo isla habeenkiiba dhimatay. Waxay ahayd 17-kii Abriil.

Nasro oo baratay marti soorka iyo soo dhowaynta, ayaa inta aanay soo dhicin kahor waxaa kelyaha looga dhaqi jirey isbitaalka 3 maalmood todobaadkiiba, waana halkaas meesha uu kula dhacay cudurku.

Hadalsame Media