”Waxaan doonayaa inaan sare usii socdo!” – Haweenaydii ugu horreeysey oo Xijaab xiran oo soo gashay Baarlamanka Israel

0

(Tel Aviv) 02 Maajo 2020 – Bishii tagtay ayay Israel u dooratay Xildhibaanaddii ugu horreeysey ee xijaab xiran oo gasha Baarlamanka dalkaasi ee Knesset-ka, jeer uu dalkaasi marayo deganaanshiyo la’aantii ugu heerka sarreeysey oo ay 3 doorasho ka dhacay sanad gudihii.

Iman Yassin Khatib ayaa ahayd qof aan la gabbanin moowqifkeeda ku aaddan u doodista madax bannaanida diimaha iyo sinnaanta jinsiga ee Falastiiniyiinta tirada yar ee ku dhex nool Israel.

Waxay sheegtay inay sidoo kale u hardamayso xuquuqda Falastiiniyiinta iyadoo la dagaallamaysa midab takoorka ku dhisan sinjiga, sinnaanta fursadaha dhulalka, guriyaynta, miisaaniyadda iwm, iyadoo diiddan xeer dhaqan galay 2018-kii oo Israel ka dhigaya dowlad ay leeyihiin Yuhuudda oo qura, iyadoo luuqadda Carabiga heer 2-aad loo celiyey. ”Maalintii sharcigaa la ansixiyey waxay noo ahayd maalin murugo.” ayay tiri Marwo Khatib oo sheegtay inay doonayso inay sare usii korto sallaanka siyaasadda.

Khatib ayaa darajada bachelor dhanka culuunta bulshada ah ka qaadatay jaamacadda Haifa University iyadoo master dhanka arrimaha haweenka ah ka qaadatay Tel Aviv University.

Hadalsame Media