SAWIRRO: Agabka uu Turkigu maanta Muqdisho geeyey ma jiro dal kale oo uu siiyey (Maxaa ka mid ah?)

0

(Muqdisho) 02 Abriil 2020 – Turkiga ayaa maanta markii 2-aad Muqdisho ka dejiyey shixnad dawo iyo agab caafimaad ah oo asaasi u ah la dagaallanka Covid-19, oo ay Somalia iminka la tacaalayso.

‘Neef-siiyeyaasha, oo aan ku sameeynay farsamadeenna tiknolojiyadeed ee dhowaan-galka ah, waxay “nolol u noqonaysaa walaalahayo Soomaaliyeed,” ayuu MW Turkishka ee Recep Tayyip Erdoğan kusoo qoray Twitter-ka iyo Facebook.

”In gargaar la diro ma aha ilbaxnimo ee waa dareen aadminnimo,” ayuu daba dhigay isagoo sheegay inay caawinayaan dadka la cadaadiyo iyo kuwa faqriga ah ee baahan.

Somalia ayaa noqotay dalkii ugu horreeyey ee hela neef-siiyeyaasha cusub ee uu Turkigu farsameeyey bishii hore markii ugu horreeysey, sida uu qoray Daily Sabah.

Iyadoo la fulinayo amarka Madaxwaynaha, waxay Wasaaradaha kala ah Gaashaandhigga, Caafimaadka, Wershadaha iyo Tiknolojiyaddu ay agabkan habeenkii Jimcihii iskugu geeyeen Garoonka Ciidamada Cirka ee Etimesgut Military Airport ee caasimadda Ankara.

Waxaa gargaarkan ka mid ah ilaa 5,000 oo neef-siiye oo ah kuwa daryeelka deg degga ah oo ay sameeyeen sharikaadka Biyosys, Baykar, Aselsan, iyo Arcelik, waxaa wehliya agabka wax lagu baaro, isku joogyada gaashaaman iyo maasgarayaal.

Waxaa agabkan caafimaad oo lagu dhejiyey calamada Somalia iyo Turkiga lagu qoray halku dhegga mufti suufi ahaa oo noolaa qarnigii 13-aad, Mevlana Rumi: “Waxaa jirta rejo quusta kaddib, iyo qorrax badan Mugdiga kaddib.”

Hadalsame Media