CAYAYAAN-DANABEED: ”Imaaraadku waxay nagu soo qaadeen dagaal anshax daran!” – Imaaraadka oo Marooko ku qaaday weerar nooc cusub ah (Sababta?)

0

(Rabaat) 02 Maajo 2020 – Xeeldheerayaasha iyo aqoonyahanka Marooko ayaa si buuxda iskugu raacay in Imaaraadka Carabtu uu dagaal “anshax la’aan ah” dalkooda kusoo qaaday, iyagoo sidaa u yeelaya moowqifka Rabaat ay ka qaadatay arrimo ay ka mid yihiin go’doomintii Qadar iyo dagaalka Libya.

Marooko ayaa waxaa lagu qaaday wax lagu sheegay “tisxiyada elektaroonigg ah”, kuwaasoo loola jeedo dad baraha bulshada dhiga dacaayado kala nooc ah.

In their response to the attack, Moroccan media launched the hashtag “Thank you Othmani”, which went viral on social media platforms.

Falanqeeyaha siyaasadeed ee Manar Al-Salimi ayaa yiri: “Waxaannu ka hadlaynaa dagaal anshax xumo ah oo aarsi ah oo ay Imaaraadku kusoo qaadeen Marooko, kaasoo loo fasiri karo siyaabo badan.”

Wuxuuse sheegay in Marooko ay tahay dal si “wayn loo xurmeeyo oo leh saameeyn taariikhi ah,” isagoo Abu Dhabi xusuusiyey inay Rabaat “ahayd middii damaanad qaadday inay Imaaraadku xubin ka noqdaan QM.”

Falanqeeye kale oo la yiraahdo Khaled Al-Shayat, oo sidoo kale ah barafaysar wax ka dhiga Jaamacadda Mohamed I University ee Oujda, ayaa sheegay in tiiyoo aanu baciidsanaynin in Imaaraadka oo uu ku timaamay ”dal dhowaan gal ah oo qar iska tuur ihi uu wax kasta ku kici karo”, aanu misna cabsi ka qabin inay wax wayn u dhimi karaan xasilloonida iyo sumcadda Marooko.

Marooko ayaa sida Somalia waxay diidey inay taageerto isbahaysigii Sucuudiga iyo Imaaraadka ee go’doomiyey Qadar, waxay sidoo kale qabteen shirkii lagu soo dhisay dowladda Libya ee GNA oo lagu qabtay Skhirat kaasoo uu diiddan yahay hoggaamiye kooxeedka Khalifa Haftar, oo ay aad u taageeraan Imaaraadka iyo Masar.

Hadalsame Media