7 arrimood oo aysan Kenya jeclayn oo dhici karta haddii ay ka baxdo Somalia – The Conversation

0

(Nairobi) 02 Maajo 2020 – Kenya oo aalaaba dabiqi jirtey siyaasad debecsan, balse mar qura, qorshe dibadeed aad u cilladaysan lasoo gashay Somalia, ayaa haatan iyada oo sii quusanaysa waxay ka fikiraysaa inay Somalia iskaga baxdo 2021, balse waxay cabbiraysaa cawaaqibka tillaabadaasi, sida ku dhigan the Conversation.

1 – Waxay Somalia gudeheeda ku cidlaynaysaa dalalka kale ee Bariga Afrika, sidaa darteed, waxay waayaysaa mudnaantii ay ku lahayd Addis Ababa iyo Muqdisho.

2 – Waxaa DF Somalia u sahlanaanaysa inay hirgeliso ajeendaha ay ku doonayso inay hesho madax-goboleedyo ay is fahmi karaan si loo yareeyo khilaafaadka jira, waloow ay taa dadka qaar mucaaradeen, taasoo sidoo kale ah sababta ay Jubaland iskugu neceen labada dhinac iyo mid ka mid ah khilaafyada waawayn ee ka dhexeeya DF iyo Kenya.

3 – Waxay Somalia ka tegeysaa iyada oo ay door iyada ka fiican oo muhim ah halkaa ku leedahay Ethiopia, taasoo weji gabax ku ah Kenya oo muddo dheer ku hoos qarsoonayd khilaafka soo jireenka ah ee Somalia iyo Itoobiya.

4 – Waxay bixista Kenya ay Itoobiya taagaysaa boos xooggan dhanka Howlgalka AMISOM, maadaama uu haatan xooggan yahay isfahamka DF iyo Itoobiya, taasoo ah arrin aysan jeclaysanayn Kenya.

5 – Bixitaanka Kenya wuxuu xulufo goboleedkeeda gelinayaa inaysan ahayn dal la isku hallayn karo oo gigsan kara muddo.

6 – Haddii ay baxdo waxay Kenya dib ugu laabanaysaa siyaasad dibadeedkeedii qunyar socodka ahaa, taasoo u badbaadin karta hanti iyo dad.

7 – Xiriirka Kenya iyo Ethiopia oo aan sidii hore ahayn sanadihii tegey, ayaa soo hagaagi kara haddii ay Somalia ka baxdo, balse waxaa xiriirkaa lagu hagaajin karaa iyada oo la raacayo tibxaha Itoobiya iyo sida ay doonayso, taasina waxay Kenya ka dhigaysaa dal looga adkaaday Somalia oo aysan haatan ku lahayn saaxiibbo badan oo saamayn leh.

Intaas oo qodob ayaa maanta hor yaalla Kenya, haddii ay go’aansato inay Somalia ka baxdo.

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media