Turkiga oo dayuuraddii 2-aad oo dawo sidda u diray Somalia + Sawirro

0

(Ankara) 01 Maajo 2020 – Afhayeenka MW Turkiga, Ibrahim Kalin, ayaa sheegay inay Turkigu dayuuraddii 2-aad oo sidda saanad caafimaad oo lagula tacaalayo Covid-19 ay u duulinayso Somalia.

Dayuuraddan oo durba la sheegay inay u duushay dhanka Somalia ayaa sidda agabyo iskugu jira kuwa lagu baaro cudurka, maasgarayaal iyo agabyo kale oo asaasi u ah la tacaalidda cudurkan.

Turkiga ayuu duullimaadkani noqonayaa kii 2-aad ee uu Somalia u diro tan iyo dillaacii durayga Covid-19, waana dalkii 1-aad ee sidaa sameeya.

Wuxuu 17-kii bishii Abriil Muqdisho ka dejiyey agab iskugu jirey maasgarayaal dawaysan, suudad gaashaaman iyo kuwa wax lagu baaro.

Flag of Turkey

Flag of Somalia

Hadalsame Media