Kooxaha EPL oo isku raacay in dib loo bilaabo Horyaalka EPL (Kooxo kooban oo garoomadooda lagu dheeli doono)

0

(London) 01 Maajo 2020 – Kulan 4-saacadood qaatay oo ay maanta yeesheen maamulka kooxaha Premier League oo looga arrinsanayey sida loo bilaabi karo horyaalka Ingiriiska marka uu hoos u dhoco caabuq-sidaha coronavirus si loo dhamaystiro kulamada harsan isla marka uu waqtigu saamaxo.

Sida ku qoran Sun, waxaa mabda’ ahaan la isla qaatay in marka la isla garto xilliga dib loo bilaabayo ciyaaraha, lagu ciyaaro garoomo dhexdhexaad ah oo ka fog magaalooyinka ama meelaha aadka cariiriga u ah.

Waxaa sidoo kale la isku raacay in ciyaaraha lagu bilaabo garoomo faaruq ah, taasoo qayb ka ah hab-raaca caafimaad ee ay hindiseen kooxaha EPL, taasoo fasax uga baahan doonta Dowladda UK oo Jimcahan go’aankeeda la sugayo.

Garoomada shuruudahan kasoo baxaya waxaa ka mid ah kan West Ham ee London Stadium, midka Manchester City ee Etihad Stadium iyo kan Arsenal ee Emirates Stadium oo ah garoomo ka yara durugsan xaafadaha degaanka ah.

Dhanka kale, Kooxda Lyon ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay dacwad kusoo oogayso maamulka Ligue 1 oo horyaalka halkiisa ku joojiyey isla markaana koobkii siiyey Paris Saint-Germain.

Hadalsame Media

Facebook Comments