KIIS NAADIR AH: Booliiska oo qabtay dad Sweden kusoo gelayey qaab aan abid horay loo arag!!

0

(Helnsingborg) 01 Maajo 2020 – Booliiska Sweden ayaa waxay gacanta ku dhigeen dad qaab cusub kusoo gelayey Sweden, iyagoo saaran saxiimad yar oo kuwa la buufiyo ah oo ay kasoo xadeen dhanka Denmark, taasoo ah kiiskii ugu horreeyey ee noocan ah, tan iyo markii Sweden soo rogtey in dadka la waydiiyo kaarka aqoonsiga tan iyo 4-tii Jannaayo, sida ay sheegtay Kim Hild oo Booliiska u hadashay.

Ciidamada samatabixinta Norway ayaa markii hore doonidan arkay isla markii ay Denmark, gaar ahaan magaalada Helsingor kasoo baxeen, kuwaasoo wargeliyey Ciidamada Xeebaha Ilaaliya ee Sweden, sida ay sheegtay Hild.

Booliiska Sweden oo gaadayey ayaa deeto qabtay markii ay kusoo xirteen magaalada  Helsingborg ee dalka Sweden, iyadoo labada nin uu midkood ahaa kii wax tahriibinayey, iyadoo sidoo kale lacag lagu qabtay.

Labada nin ayaa kala ah 24-jir haysta dokumentiyo Norwegian ah iyo nin kale oo aan dokumentiyo haysan, balse 27-jir ah.

Kooxaha u dooda xuquuqaha qaxootiga ayaa dowladda Sweden ku dhaliilay in soo rogista KAARKA AQOONSIGA xuduudaha la isku waydiinayo ay sababtay inay dadku habab halis ah kusoo galaan dalka.

Sweden oo ay ku nool yihiin 9.8 milyan oo qof, ayaa sanadkii tegey qaabishey 163,000 oo qaxooti ah, taasoo ka badan dal kasta oo kale marka la eego inta kusoo aadeysa milyankii, balse tan iyo 4-tii Jannaayo markii la bilaabay in kaarka la is waydiiyo waxay 10,000 oo todobaadkii iman jirey Oktoobar iyo Nofeembar ay hoos ugu dheceen 1,500 oo qof.

Hadalsame Media