Jilaaga geeriyoodey ee Rishi Kapoor oo Soomaalida ku yiri hadal ay dad badan oo aan xitaa Soomaali ahayn ka xumaadeen!

0

(Mumbai) 01 Maajo 2020 – Jilaagii caanka ahaa ee Bollywood ee Rishi Kapoor ayaa ku dhintay magaalada Mumbai oo ah caasimadda aflaanta Hindiya isagoo 67-jir ah, kaddib 2 sanadood oo uu la tacaalayey kansarka dhiigga ee leukemia.

Yeelkeede, Rishi ayaa hadda kahor  2016-kii dood ka dhaliyey Twitter-ka markii uu Soomaalida ku ridey xifaalo loo arkay cunsuriyad qayaxan oo ka dhan ah qaran dhan, waloow ay dad kale kaftan ku tilmaameen. Wuxuu soo qoray:

”WARKII OLOMBIKADA: Waxaa soo baxday natiijadii tartanka doomaha. England waxay qaadatay dahab, Australia waxay heshay qalin, halka Somali ay doontii qaadatay!!” Waxaa faalladiisa ka xumaaday dad badan oo ay Hindi ku jiraan.

Yeelkeede, waxaa jira ogaysiis kale oo ku qoran isla bogga rasmiga ah ee Rishi, kaasoo muujinaya inuusan kaftanka qaar ogolayn wuxuu u dhigan yahay sidatan:

”Ilama aha inay dadku i fahmayaan. Kaftan kasta, qanjiirin iyo faalladii ku saabsan hab-nololeedkayga waa baloog. Adiga ayay kuu taallaa.”

Hadalsame Media