DHEGEYSO: ”Waxaa ku jira MACDAN naadir ah!” – Maraykanka oo qiray in dalal ay Somalia ku jirto ay yihiin ”Mustaqbalka adduunka”

0

(Muqdisho) 01 Maajo 2020 – Danjiraha Maraykanka u fadhiya Somalia, Donald Yamamoto, ayaa waraysi dheer oo uu siiyey hay’adda cilmi baarista ku sameeysa arrimaha argagixisada ee Combating Terrorism Center ayaa ka hadlaya arrimo badan.

CTC ayaa Danjiraha waydiisey sida uu u arko tartanka ay awoodaha waawayn ugu jiraan guud ahaan qaaradda Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika? Qabyaaladda Soomaalida la degtey iyo dhismaha ciidamada qalabka sida ee Somalia.

Yamamoto ayaa yiri ”Ma waxay kula tahay inay dan ka leeyihiin Afrika? Iska illoow. Dan kama laha. Waxa ay kaliya doonayaan khayraadkeeda. Sabab? Maxaa yeelay khayraadku wuxuu fure u yahay horumarkooda dhaqaale.

”Gaar ahaan Somalia, waxa aan doonaynaa inaan xasilinno si aysan u noqonin xarun argagixiso ama meel soo saarta qaxooti caalami ah, annagoo quwadaha waawayn u sheegayna inaysan khayraadka ka dhamaysan ama ka wada dhuuqin qaarada, waayo ujeedkoodu waa inaan Afrikaanku khayraadkooda in badan ka faa’iidaysan.”

Halkan hoose ka dhegeyso waraysiga oo dhamaystiran oo uu soo tarjumey Maxamed Xaaji.

Hadalsame Media