Jilaagii 2-aad oo Hindi ah oo saacado dabadood u dhintay isla cudurkii….

0
Bollywood Indian Cinema Film Banner. Indian Cinema bollywood Logo Sign Design Glowing Element.

(Mumbai) 30 Abriil 2020 – Jilaagii caanka ahaa ee Bollywood ee Rishi Kapoor ayaa ku dhintay magaalada Mumbai oo ah caasimadda aflaanta Hindiya, kaddib 2 sanadood oo uu la tacaalayey kansarka dhiigga ee leukemia.

Jilaaga oo 67 jir ahaa ayaa waxaa geeridiisa xaqiijiyey walaalkii Randhir, waxayna timi saacado uun kaddib geeridii jilaaga kale ee Irrfan Khan oo 53 jir ahaa oo isna kansar u dhintay waloow aanu isku meel ka qaban.

Rishi ayaa kansarkan laga helay 2018-kii, waxaana loo qaaday magaalada New York oo lagu soo daweeyey, kahor intaan sanadkii hore dib loogu celin Mumbai.

Rishi oo ka mid ahaa reer Kapoor oo uu qaarkood magaca uun ka dhexeeyo ayaa waayihiisa jilliin halkii ugu sarreeysey gaarey 1970-kii ilaa 80-meeyadii.

Wuxuu ka tegey xaaskiisa Neetu, oo ah qalanjo uu la keenay 12 filim, taasoo u dhashay carruurta Riddhima iyo Ranbirand oo ku caan ah Ranbir.

Hadalsame Media