Gabar Soomaali ah oo su’aal adag hor dhigtay Madaxwayne Xigeenka Maraykanka (Daawo)

0

(Rochester, MIN) 29 Abriil 2020 – Ubax Cali oo ah gabar Soomaaliyeed oo reer Minnesota ah oo u shaqeeysa TV-ga maxalliga ah ee KTTCTV ayaa kasoo warrantay booqasho uu Madaxwayne Xigeenka Maraykanka ee Mike Pence uu halkaa ku tegey.

MWX Mike Pence oo si gaar ah u booqday Isbitaalka Mayo Clinic ayay Ubax si gaar ah u waydiisey sababta aanu u xiranin gafuur-saabka la iskaga jiro caabuq-sidaha Covid-19 ee caalamkii rogey.

”Waxaan doonayaa inaan waqti la qaato oo u dhowaado howlwadeenka caafimaadka si aan ugu mahad celiyo,” ayuu ku jawaabey.

Gobolka Minnesota ayuu guud ahaan ku amaanay sida wanaagsan ee ay hoos ugu dhigeen kiisaska guud ee cudurka karoonaha.

Wuxuu sheegay in FDA oo ah hay’adda heerka federaal ee dawooyinku ay 45 gobol kala shaqayn doonto sidii loo hormarin lahaa dawooyin cudurkan lagula tacaalo.

Hadalsame Media