KURBADA KAROONAHA: Arrin naxdin leh oo ka taagan xabsiyada Laatiin Ameerika

0

(San Salvador) 28 Abriil 2020 – Waxaa lasoo sawiray maxaabiis ku jirta xabsi ku yaalla dalka El Salvador oo ku dhowaad is dul saaran – waloow ay qaar maasgaro xiran yihiin – sida warbaahintu faafisay.

MW Nayib Bukele ayaa amray in dad badan lasoo xiro kaddib markii in ka badan 20 qof caasimadda lagu diley jimcihii oo qura, iyadoo ay sirdoonku sheegeen in amarka dadkaa lagu diley uu kasoo fuley gaangiistarro xabsiga ku jira.

Dhanka kale, Xabsiga Puente Alto ee bartamaha magaalada Santiago, Chile, oo ah midka ugu wayn Laatiin Ameerika, ayuu cudurka Covid-19 ku fiday wuxuuna marayaa 300 oo kiis, iyadoo 1,100 oo halkaa ku xirani ay cabsanayaan maadaama ay adag tahay in lakal sikado.

“Way isku dhegdheggan yihiin,” ayay tiri kalkaaliso la yiraahdo Ximena Graniffo.

Xabsiyada Laatiin Ameerika ayaa waxaa guud ahaan ku jira 1.5 milyan oo maxbuus, waxaana xabsiyadan qayb ahaan iskood u xukuma dadka ku xiran, musuq, cabsi gelin iyo ilaalo ku filan la’aanteed. Sidoo kale waxaa aad u liidata nadaafadda maadaama aysan jirin biyo iyo saabbuun ku filan.

Hadalsame Media